Galmudug: Wasiir xilka looga qaaday xiisad ka dhalatay dhisme gole deegaan

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ahna ku simaha madaxweynaha Cali Daahir Ciid ayaa xilka qaadis ku sameeyay wasiirkii arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Xilka qaadista Cabdi Waayeel ayaa loo cuskaday shaqo gudasho la’aan, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Xilka qaadista wasiirka arrimaha gudaha Galmudug ayaa daba socota xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

PUNTLAND POST