
War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran waxaa ku jiray hannaanka loo xallinayo khilaafka gobolka Gedo ee u dhexeeyay dowladda federaalka iyo Jubaland, oo kamid ahaa qodobadii ugu adkaa ee khilaafka doorashada.
Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa go’aamiyay in Ra’iisul Wasaare Rooble garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta gobolka Gedo, si ay habsami uga dhacdo doorashada xildhibaannada.
Golaha ayaa go’aamiyay abuurida guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubaland, guddigaas oo lagu soo magacaabayo 3 maalmood gudahood.
Madaxweynaha jubaland ayaa magacaabaya xubno maamul cusub oo ay yeelato degmada Garbahaarey, kuwaas oo ay u soo gudbinayaan guddiga dib u heshiisiinta Gedo.
Guddiga dib u heshiisiinta Gedo ayaa la faray in ay ku soo dhameystiraan qorshada xasilinta gobolka iyo jawiga qabsoomida doorashada Garbahaarey muddo 30 cisho oo ka bilaabanaysa maalinta la magacaabo.
Boolis AMISOM ah ayaa la go’aamiyay in la geeyo Garbahaarey, kuwaas oo suga amniga magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashada.
Golaha ayaa go’aamiyay in guddiga dib u heshiisiinta Gedo ay nabadeynta iyo dhameystirka dhismaha maamulka cusub ee Gedo ku hirgeliyaan muddo 60 maalmood ah doorashada ka dib.
Heshiiska laga gaaray khilaafka Gedo ayaa inta badan waafaqsan soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.