Nuxurka Heshiiska Arrimaha Doorashooyinka ee Muqdisho lagu saxiixay

War-murtiyeed ka soo baxay Shirka Golaha Wada-tashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,  ayaa lagu soo bandhigay heshiis ka kooban afar bog oo lagu xalliyay murankii Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Qodobada laga heshiiyay waxay kala yihiin Arrinta Somaliland, Khilaafkii Gobolka Gedo iyo sidoo kale Guddiyada Arrimaha Doorashooyinka oo xubno ka tirsan la isku khilaafsanaa, waxaana Qodobadaas dhammaantood laga gaaray heshiis.

Sida War-murtiyeedka ku qoran, Arrinta Somaliland waxa lagu xalliyay in labada Garab ee Siyaasiyiinta Reer Waqooyi oo ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ay qayb-sadaan magacaabidda Guddiga Doorashooyinka heer Somaliland.

Guddiyada Arrimaha Doorashooyinka ayaa sidoo kale lagu heshiyay in isbeddel lagu sameeyo, islamarkaana laga saaro dhammaan xubnaha khilaafku ka taagnaa, iyadoo hawshaas lagu qaban doono mudda saddex cisho ah.

Arrinta Gobolka Gedo, waxa iyana loo magacaabay Guddi dib u heshiisiin oo ka kooban Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka oo aysan ku jirin Jubaland.

Sidoo kale, waxa la go’aamiyay in hawlaha Doorashooyinka lagu dhammaystiro mudda 60 Cisho gudahood ah, islamarkaana la magacaabo guddi ka kooban 9 xubnood oo ka shaqeeya Amniga Doorashooyinka.

Hoos ka akhriso Heshiiska

PUNTLAND POST