Madaxweynaha Masar oo ku wajahan dalka Jabuuti

Madaxweynaha waddanka Masar,Cabdifataax Al-siisii iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ku wajahan dalka jabuuti, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada dalkaasi.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in madaxweynaha Masar  Al-siisii uu kala hadli doono dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle sida loo xoojin karo xiriirka labada dal gaar ahaan  arrimaha amniga iyo dhaqaalaha.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadli doona horumarka gobalka iyo xaaladda guud ee qaaradda Afrika.

PUNTLAND POST