Heshiis laga gaaray khilaafkii doorashada oo la saxiixay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa saxiixay heshiis laga gaaray khilaafkii doorashada dalka.

Qoraal goordhaweyd ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Waasre Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada dalka & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa saxiixay heshiis ku aaddan doorashooyinka dalka, iyadoo maanta la soo xirayo Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho.”

Heshiiska doorashada ayaa saacadaha soo socda lagu shaacin doonaa xaflad weyn oo ka socota Teendhada Afisyoone, waxaana ka soo qeybgalaya Madaxweyne Farmaajo iyo wakiilo ka socda Beesha.

Saxiixa heshiiska ayaa saacado badan dib u dhacay sababo la xiriira cabasho ka timid guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ku aadaneyd habka loo qeybiyey guddiyada doorashada ee xildhibaanada gobollada waqooyi, arrintaas oo markii dambe heshiis laga gaaray.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu qanciyay 6 xubnood oo laga siiyay guddiyada doorashada gobollada Waqooyi, wuxuuna hadda ku sugan yahay Teendhada Afisyoone oo laga dhawaaqi doono heshiiska doorashada.

PUNTLAND POST