Taliban oo shuruudo ku xirtay ka qeybgalka shirka Istanbul

Kooxda Taliban ayaa shuruudo adag ku xiray ka qeybgalka shirka sida weyn loo sugayo, kaas oo Mareykanku doonayo inuu ka dhaco magaalada Istanbul ee waddanka Turkey.

Shuruudahaas waxa kamid ah in ajandaha shirka aysan ku jirin go’aan ka gaarista arrimaha xaasaasiga ah iyo in wafdiga Taalibaan aysan ku jiri doonin hoggaanka sare ee ururkaas.

Shirkan oo ay si wadajir ah u martigalinayaan Qaramada Midoobay, Turkiga, iyo Qatar ayaa markii ugu horeysay waxaa soo jeediyay Mareykanka bishii April, maalmo kadib markii Madaxweyne Joe Biden uu ku dhawaaqay in ciidamada shisheeye ay ka baxayaan Afghanistan.

PUNTLAND POST