
Siyaasiyiinta gobollada Waqooyi (Somaliland), gaar ahaan garabka Cabdi Xaashi hoggaamiyo ayaa sheegay in aysan qayb ka ahayn shirka wadatashiga dooarshada ee Muqdisho.
Qoraal ay caawa soo saareen siyaasiyiintan ayay ku cadeeyeen in aysan qeyb ka ahayn go’aamada ka soo baxa shirka, dibna faahfaafin kala wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta.
Labada garab ee siyaasiyiinta Waqooyi oo ay kala hoggaamiyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa ku heshiin waayay guddiga doorashada xildhibaannada Waqooyi.
Qoraalka garab kamid ah siyaasiyiinta Waqooyi ayaa ku soo aadaya, iyadoo la filayay in berri la soo xiro shirka wadatashiga doorashada Soomaaliya oo muddo 5 maalmood ah ka socday Teendhada Afisyoone.
Dhanka kale warar aan helnay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyadu wadaan dadaalo lagu xallinayo khilaafka siyaasiyiinta Waqooyi, lagana yaabo in xal laga gaaro saacadaha soo socdo.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.