
Sarkaal muhiim ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa ku wargeliyay Golaha Amaanka ee Qarmada Midoobay, in haddii aan tallaabo deg deg ah la qaadin ay macluul baahdsani ka dhici doonto Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo, Mark Lowcock oo ah Wakiilka Arrimaha Bani’aaddannimada ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa Golaha Amniga u gudbiyay warbixin uu ka diyaariyay xaaladda Gobolk Tigray.
Lowcock ayaa sheegay, in haddii labada bilood ee soo socota aan si deg deg ah loo xoojin gargaar bani’aadannimo ay dadka ku nool gobolkaas ay colaaduhu ka jiraan ee Tigray ay khatar u gali doonaan macluul.
Muddo ka badan lix bilood oo ay colaado ka jiraan gobolka waqooyi ee Tigray ee Itoobiya ayaa hey’adaha gargaarka ee caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay soo sheegayeen in halkaasi ay ka dhaceen gaboodfallo ka dhan ah aadanaha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.