Jilaagii Soomaaliyeed Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugulle ayaa maanta oo Arbaco ah ku geeriyooday magaalada Burco sida uu xaqiijiyay agaasimaha guud ee isbitaalka Burco.
Marxuum Sooraan ayaa muddooyinkii u dambeeyay isbitaalka Burco la jiifay xanuunka COVID-19 halkaas oo lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad.
Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo dadka ku xiriira baraha bulshada ayaa durba ka tacsiyeeyay geerida jilaa Sooraan.
Marxuumka ayaa lagu xasuustaa riwaayado ka turjumaya xaalado markaas taagnaa kuwaas oo uu caan ku ahaa.
PUNTLAND POST