Puntland oo war ka soo saartay Qabiilada Al-shabaab heshiisyada la gala

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur, ayaa si adag uga digay Qabaa’ilka Gobolka Mudug, in ay wax xiriir ah la yeeshaan ururka Al-shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay, in ay soo baxayaan warar ku saabsan in Qabaa’ilka Mudug qaarkood ay hadda Al-shabaab heshiisyo la galayaan, taas oo uu si adag uga digay cid kasta oo ku dhaqaaqda tallaabadas.

Waxa la sheegayaa Qabaa’ilada qaar oo hadda Shabaab heshiisyo la galaya. War gaari qallibmay baad dabada haysataa. Qabiilka hadda Shabaab la heshiinayow qalad baad ku jirtaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Sidoo kale, wuxu sheegay in dowladdu tallaabo ka qaadi doonto Qabiil kasta oo lagu ogaado in uu Shabaab heshiis la galay, islamarkaana loola dhaqmi doono sida Shabaabkii.

Ciddii lagu ogaado in ay Shabaab heshiis la gashayna, ama Qabiil weyn ha noqoto ama qof ha noqotee, waxay noogu calaamadsanaan in ay Shabaab yihiin, lana macaamili mayno sidii Qabiil ula macaamili mayni” ayuu sii raaciyay.

PUNTLAND POST