Goormuu soo gabagaboobayaa shirka Muqdisho?

Shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo afar maalmood ka socday Muqdisho ayaa la filayaa in la soo xiro maalinta khamiista ee soo socota.

Afhayeenka Xukuumadda Federaaka Soomaaliya Ibraahim Macallimow oo galabta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inuu heer gabagabo ah marayo dhameystirka qodobadii la isku hayay ee fashiliyay shirarkii hore.

Macallimow wuxuu tilmaamay in maalinta Khamiista la sameyn doono xaflad weyn oo lagu iclaamin doono heshiiska ka soo baxa shirka.

Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo is afgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST