Rooble iyo Cabdi Xaashi oo ka wadahadlay doorashada xildhibaannada Waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa yeeshay kulan gaara oo looga hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya.

Kulanka oo looga hadlayay doorashada xildhibaannada labada aqal ee gobollada Waqooyi ayaa la sheegay inuu ku soo dhammaaday is-afgarad, sida lagu sheegay bayaan kooban oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Ra’iisul Wasaare Rooble.

Kalanka Rooble iyo Cabdi Xaashi waxaa ka horreeyay kulan ay yeesheen labada garab ee siyaasiyiinta Waqooyi ee kala hoggaamiyaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, kaas oo la isku fahmiyaayay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa beeniyay qoraal ay soo saareen siyaasiyiinta gobollada Waqooyi garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi oo lagu sheegay in ay wadahadal arrimaha doorashada ku aadan la yeesheen Mahdi Guuleed.

Mahdi Guuleed ayaa qoraal uu bartiisa Twitterka ku qoray ku yiri “Warqaddan la wareejinaayo waxba kama jiraan. Waa been aan sal iyo raad toona lahayn”.

Dhanka kale Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah siyaasiyiinta Waqooyi garabka Cabdi Xaashi ayaa xaqiijiyay qoraal ka soo baxay dhankooda oo lagu sheegay in labada garab ay ku heshiin waayeen guddiyada doorashooyinka.

Sidoo kale garabka Cabdi Xaashi waxay sheegeen in lagu heshiiyay saddex qodob oo kala ah; in siyaasiyiinta Waqooyi u madax-bannaanaadaan doorashada, in la dhiso guddi sare oo jiheeya doorshada goboladda Waqooyi iyo in doorashada gobollada Waqooyi lagu qabto Afisyoone amnigeedana ay sugaan AMISOM iyo Boolis Soomaaliyeed, goobjoogna ka noqoto Beesha Caalamka.

Siyaasiyiinta gobollada Waqooyi garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in shirka doorashada uu noqdo mid muuqaal midnimo leh oo ay u dhan yihiin saamileyda siyaasadeed ee dalka.

PUNTLAND POST