Dowladda Mareykanka iyo ururka Midowga Yurub, ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadii shalay dowladda Belarus ay khasab ugu dejisay diyaarad Rakaab ah.
Diyaaradda oo ka timid dalka Greece, kuna socota waddanka Lithuania ayaa dowladda Belarus si khasab ah uga dejisay magaalada Minisk ee dalkaas.
Diyaaradda Ryanair ee dalka Ireland ayaa rakaabka saarnaa waxaa ku jiray wariye ka mid ah saxafiyiinta dibad-joogga ee u dhashay Belarus, kaas oo si aad ah u dhaliila hoggaamiyaha dalkaas, waxaana diyaaradda sida khasabka ah looga dajiyay caasimada Minisk uu ahaa in la xiro wariyahan.
Diyaarad millatari ayaa ku khasabtay in duulimaadka diyaaradda kaabka aheyd si deg deg ah looga dajiyo Jamhuuriyadda Belarus.
Wariye Roman Protasevich ayaa madaxa gacmaha saartay marki uu ogaaday in diyaaradda ay ku socoto dalka uu kasoo jeedo oo uu baxsad ka ahaa, sababo la xiriira ammaankiisa.
PUNTLAND POST