Ciidanka Booliiska Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ka bilaabay hawlgal haweenka looga joojinayo xirashada indha-shareerka.
Wadooyinka magaalada Kismaayo ayaa saaka lagu arkayaa gabdho ka tirsan Ciidanka Booliiska Jubaland, kuwaas oo haweenka shareeran ku amraya in ay bixiyaan niqaabka, si wejigooda loo arko.
Maamulka Jubaland ayaa hore u mamnuucay in degaannadooda lagu xirto niqaabka haweenka, kaas oo ku tilmaameen mid halis gelin kara Amniga magaalooyinka Jubaland.
PUNTLAND POST