Al-shabaab oo hoobiyeyaal ku garaacay tuulada Galgala

Al-shabaab ayaa in ka badan 20 hoobiye ku garaacay tuulada Galgala oo ku taalla buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari.

Duqeynta oo dhacday gabal-dhicii maanta oo Isniin ahayd, waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsan Puntland, sida uu Puntland Post u xaqiijiyay mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan oo codsaday in aan magaciisa la xigan.

Tuulada Galgala waxaa ku nool dad tiro yar oo u badan beeraleey iyo ciidamada Puntland oo ku leh saldhigyo ciidan.

Puntland iyo Al-shabaab ayaa tan iyo 2010 ku dagaalamayay buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Markii ugu dambeysay oo ciidamada Puntland gacan ku haynta magaalada Galgala kala wareegeen Al-shabaab ayaa ahayd Agoosto 2014.

PUNTLAND POST