Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa la kulmay madaxa Amisom ahna wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha midowga Afrika Ambassador, Francisco Madeira oo ay wehliyaan saraakiisha sarsare ee howlgalka AMISOM.
Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Booliska ayaa lagu sheegay in Gen. Xijaar masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sida amniga loo sugi lahaa.
Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli uu Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale uu sheegay in dowladda Federaalka diyaarisay qorshaha lagu sugayo amniga doorashada dalka.
Wasiir Xundubey ayaa tilmaamay in ay haatan sugayaan oo kaliya in Shirka Madaxda DF iyo maamul goboleedyada dalka uga socda Muqdisho heshiis lagu gaaro la iskuna raaco fulinta qorshaha amniga.
PUNTLAND POST