Shirkii Muqdisho oo maalintii labaad soo idlaaday

Shirka xallinta muranka arrimaha doorashooyinka ,oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, ayaa maalintii labaad ku soo idlaaday xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa ku saabsan dhammaystirka heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September, si loo xalliyo tabashooyin ka soo noqday hirgelinta heshiiskaas, islamarkaana doorashooyinka loo qabto.

Waxa shir-guddoomiyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qayb-galay madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir.

Dhinacyada shirsan ayaa goor dhowayd shaaciyay in shirku si wanaagsan ku soo idlaaday, balse faahfaahin kama bixin ajandaha maanta looga hadlay shirka.

Wararka qaar ayaa sheegaya, in arrinta la xiriirta kuraasta Somaliland ay ahayd ajandaha ugu muhiimsan ee maanta looga dooday shirka, haddana aan weli is-faham laga gaarin.

PUNTLAND POST