Nairobi: Ganacsade Soomaaliyeed oo la waayay kadibna maydkiisa la helay

Bashiir Maxamuud Gaboobe, oo ahaa ganacsade Soomaali-Mareykan ah, kaas oo todobaadyadii u dambeeyay lagu waayay gudaha Kenya, ayaa maydkiisa laga helay degaan ka tirsan magaalada Nairobi.

Ciidamada Booliiska Kenya oo mudda baadi-goobayay ninkan, ayaa ugu dambayntii ka helay meel qiyaas ahaan 18km u jirta xarunta magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in Gaari uu watay oo ahaa nooca Range Rove laga helay, isaga oo la gubay nawaaxiga degaanka Kibiku, taas oo dhalisay tuhunka ah in la dilay balse ugu dambeyn meydkiisa la helay.

Taliyaha booliiska xaafadda Kabete ee magaalada Nairobi, Francis Wahome, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ay su’aalo weydiiyeen dhowr qof oo markii ugu dambeysay xiriir la sameeyay ganacsadahan injineerka ah.

PUNTLAND POST