Shirka Arrimaha doorashooyinka oo Muqdisho ka furmay

Xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxa haatan ka furmay shirka arrimaha doorashooyinka, ee u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, oo uu weheliyo gobolka Banaadir.

Shirka waxa guddoominaya ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qayb-gelaya dhammaan madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirka waxa ka maqan madaxweynaha dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu hore u sheegay in uu hoggaaminta arrimaha doorashooyinka ku wareejiyay ra’iisul wasaare Rooble.

PUNTLAND POST