Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada Sare iyo kuwa dhexe, ayaa saaka oo Sabti ah ka bilaabanaya dhammaan Gobollada Puntland.
Imtixaanka waxa sannadkan u fariisanaya in ka badan 17,730 arday, kuwaas oo isu’gu jira fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiyada sare.
Fasalka Form Four-ka waxa sannadkan u fariisanaya ilaa 5,708 oo arday, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta waaxda imtixaanaadka shahaadiga ah ee wasaaradda Waxbarashada Puntland.
Sidoo kale, Fasalka 8-aadka ee dugsiyada dhexe waxa u fariisanaya arday gaaraya 12,000 kun oo arday.
PUNTLAND POST