
Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaley ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare iyo labo kamid ahaa ilaaladiisa ayaa qarax ku dhintay.
Guddoomiye Garyare iyo ilaaladiisa ayaa lala eegtay qarax Miino xilli ay ka soo baxeen masjid ay ku tukadeen salaada Jimcaha ee maanta.
Deegaankan Garasbaaley ayaa in dhawaale kamid ahayd meelaha ugu badan gobolka Banaadir ee qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ka dhacaan.
Weli ma jirto cid ka hadashay qaraxa lagu dilay Guddoomiye Garyare iyo ilaaladiisa.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.