Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gabal-gaabkii soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweyne Deni la socday ayaa isugu jiray wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil madaxtooyo, waxaana kamid ahaa wasiirada arrimaha gudaha iyo warfaafinta.

Madaxweyne Deni ayaa ka qeyb-galaya shirka wadatashiga arramaha doorashooyinka Soomaaliya oo sida la filayo maalin berri ah ka furmaya Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Shirka Muqdisho waxaa saldhig u ah heshiiskii 17 September 2020 ee arrimaha doorashada, waxaana horey ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble, kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka.

Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST