War rasmiya oo ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubaland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe,) uu maanta ku wajahanyahay magaalada Muqdisho.
Qoraal kooban oo la soo geliyay barta Facebook ee madaxtooyada Jubalad, ayaa lagu xaqiijiyay in Axmed Madoobe uu maanta ku sii jeedo Muqdisho, halkaas oo uu kaga qayb-galayo shirka arrimaha doorashooyinka dalka.
“Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kusii jeeda Magaalada Muqdisho, isagoo ka qeybgalaya shirka lagaga hadlayo arimaha Doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka.
PUNTLAND POST