Golaha wasiirada Jubaland oo la magacaabay iyo Seeraar oo ka soo muuqday

Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Jubaland

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa caawa magacaabay golihiisa wasiirada cusub oo ka kooban 23 wasiir, 22 wasiir ku xigeen iyo 5 wasiiru-dowle.

Wasiirada cusub ee Jubaland waxaa ku jira Cabdinaasir Seeraar oo kamid ahaa golahii mucaaradka isbedel-doonka Jubaland ee markii dambe la heshiiyay madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale golaha wasiirada cusub waxaa ku jira xubno ka tirsanaa xukuumaddii hore oo kamid yahay Gen. Maxmed Warsame Darwiish.

Golaha wasiirada cusub ee Jubaland waxaa haween ah 4 xubnood.

Magacaabida golaha wasiirada jubaland ayaa Axmed Madoobe ku qaadatay muddo ku dhaw 2 sano.

Hoos ka akhriso liiska golaha wasiirada Jubaland

PUNTLAND POST