Afhayeen u hadlay dacwad oogaha sare ee gobolka, Letitia James, ayaa sheegay in baaritaanka lagu sameeyay shirkadda Mr Trump in uusan sii ahaan doonin mid madani ah.
Ms James ayaa sheegtay in baaritaanka lagu hayo hantida madaxweynihii hore uu bilowday ka hor inta uusan xafiiska imaanin.
Trump ayaa diiday in uu wax khalad ah sameeyay isagoo sheegay in dacwadan ay wadaan xeer ilaaliyaha dimoqraadiga ah ay siyaasad ka dambeyso.
Bayaan ka soo baxay waaxda caddaaladda laguma sheegin in baaritaanka uu ahaa madani sidoo kalena lagama sheegin madaxweynaha qudhiisa eedaha wax ku leeyihiin, badanaa kiisaska madaniga ah shakhsiga ama hantidiisa gaarka ah ayay khuseysaa dacwadda.
Xeer ilaaliyaha New York Ms James ayaa baaritaanka bilowday bishii Maarso kolkaas oo Trump hantidiisa ka been sheegay si uu amaah ugu qaato bankiyada isla markaana hoos u dhigo heerka canshuurta.
PUNTLAND POST