
Saacadaha soo socda waxaa magaalada Muqdisho soo gaari doona madaxda dowlad goboleedyada oo ka qeybgalaya shirka wada tashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo berri furmaya.
Guddiyadda farsamada oo maalmihii u dambeeyey ku hawlanaa diyaarinta shirka arrimaha doorashooyinka Dalka ayaa la sheegay inta badan soo gabagabeeyeen howlihii ay wadeen.
Shirka berri ka furmaya Muqdisho waxaa saldhig u ah heshiiskii 17 September 2020 ee arrimaha doorashada, waxaana horey ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble, kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo xubno matalaya Midowga Musharaxiinta ayaa la filayaa in ay qeyb ka noqdaan shirka.
Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaannada iyo Senatarrada ka hor doorashada Madaxweynaha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.