Maraykanka oo cambaareeyay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Turkiga

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa ka hadashay hadal dhowaan kasoo baxay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ku saabsanaa colaadda Israa’iil iyo Falastiin.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Erdogan u adeegsaday ereyo ka dhan ah dadka Yuhuudda, isla markaana ay si xooggan u cambaareynayaan hadalladaas foosha xun.

Madaxweyne Erdogan wuxuu Israa’iil ku tilmaamay ‘dal dilaa ah’ xilli uu Isniintii ka hadlay dagaalka Israa’iil iyo Falastiin.

Wuxuu sheegay in go’aanka uu Mareykanka ku shaaciyay in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil ay sare u qaadi karto damaca Israa’iil ay dhiig badan ku daadin karto.

PUNTLAND POST