Puntland oo amar ka soo saartay Boorarka iyo Magac-yada lagu qoro Luuqadaha Qalaad

Agaasimaha wasaaradda Warfaafinta

Wasaaradda Warfaafinta Puntland, oo tixraacaysa Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga, ayaa amar ku bixisay dhammaan Qoraallada Boorarka iyo Magac-bixinta loo beddelo Af-Soomaali.

Warqad ka soo baxday xafiiska Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Ciise Cismaan, ayaa lagu amray cid kasta oo boorar dhegsanaysa ama meherad magac ula baxaysa in ay isticmaalan Af-Soomaaliga.

Wasaaraddu waxay sheegtay, in Boorarka iyo Magac-bixinta la waafajiyo Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga, kaas oo Faafinta Rasmiga ah ku soo baxay 15 December 2020 kadib markii Golayaasha dowladdu ansixiyeen.

PUNTLAND POST