Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo ku hanjabay in ay sii wadi doonaan duqaymaha marinka GAZA

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in ay sii xoojin doonaan duqaymaha ka dhanka ah dadka reer Falastiin si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasiloonida Israa’iil.

Ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa hadalkaas jeediyay kadib markii uu ka soo baxay kulan uu la qaatay saraakiisha kala duwan ee laamaha difaaca Israa’iil.

Wuxu sheegay in duqaymaha ay sii socon doonaan inta la sugayo amniga shacabka Israa’iil oo sida uu tilmaamay weeraro kala kulmaya dhinaca Xammaas.

Labada dhinac ayaa weli is waydaarsanaya duqaymo culus waxaana Israa’iil bartil-maameedyo ka dhigatay dhulka ay degan yihiin dadka Rayidka ah ee reer Falastiin.

PUNTLAND POST