Tuulooyin ka tirsan magaalada Beledweyne oo xalay la gubay

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in tuulooyin ka tirsan degmadaas ay xalay dab qabad-siiyeen malayshiyaad hubaysan.

Tuulooyinkaas ayaa sida la sheegayo waxa maalmihii u dambeeyay ka aloosnaa xiisad ku salaysan dagaal beeleed, waxaana isku hor-fadhiyay laba malayshiya-beeleed.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in shacabkii ku noolaa tuulooyinka xalay la gubay ay isaga barakaceen, kadib markii guryahooda dab la qabadsiiyay.

Maas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan weli kama hadlin Guryaha la gubay ee ku yaal tuulooyin hoostaga magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

PUNTLAND POST