Maraykanka oo baaq ka soo saaray xiisadda Israa’iil iyo Falastiin

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken aya sheegay in labada dhinac ee Israa’iil iyo Falastiin looga baahan yahay in ay qaboojiyaan xiisadda iyo rabashadaha.

Dhammaan dhincyada waxaa looga baahan yahay inay qaboojiyaan xiisadda – rabashadaha waa inay u dhammaadaan si deg deg ah” ayuu ku yiri Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Baaqa Blinken ayaa yimid kadib markii uu wasiirka arrimaha dibedda Masar taleefon kala hadlay xiisadda Israel, Gaza iyo Daanta Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ololaha Gaza uu awood buuxda ku socdo, ayna qasab tahay in lagu guuleysto ka hor-tagga dagaal mustaqbalka lala galo Xamas.

PUNTLAND POST