Garowe: Saddex wiil oo todobaadkan ku dhintay ceelasha Ligle

Saddex wiil oo dhallinyaro ah ayaa todobaadkan gudihiisa liqeen ceelasha togga Ligle ee koonfurta magaalada Garowe.

Mursal Cabdirisaaq Cali Shirwac ayaa maanta ku geeriyooday ceel ku yaalla togga Ligle, halka sabtidii la soo dhaafay ay ku dhinteen labo wiil oo lagu kala magacaabo Cabduqaadir Jaamac Ciise iyo Cabdiqaadir Khaliif Abshir, sida ay xaqiijiyeen Booliska gobolka Nugaal.

Saddex wiil ee todobaadkan gudihiisa ku geeriyooday ceelasha togga Ligle ayaa da’doodu u dhaxaysay 14 ilaa 17 sano jir.

Xiliga roobabku da’aan ayaa dhallinyaro badan u babaal tagaan togga Ligle ee koonfurta Garowe oo leh ceelal dad lig ah, xiliga biyuhu maraan.

PUNTLAND POST