
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ku sugan Gaalkacyo ayaa guddi u magacaabay dilkii Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo todobaadkii hore lagu dilay meel ka baxsan magaalada Gaalkacyo.
Digreeto kasoo baxday xafiiska nadaxweynaha Galmudug ayaa lagu magacaabay guddi xaqiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduubka iyo dilka loogu geystay Sheekh Cali Dheere oo ka tirsanaa culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka oo ka howlgali jiray gobolka Mudug.
Guddiga madaxweyne Qoorqoor u magacaabay dilka Sheekh Cali Dheere oo ka kooban 7 xubnood ayaa kala ah:
1. Avv Muumin Xuseen Cabdulaahi (Guddoomiye)
2. Avv Cabdixakiin Maxamed Xirse (Guddoomiye kuxigeen)
3. Saciid Maxamuud Jimcaale (Xogheyn)
4. G/Dhexe Maxamuud Axmed Maxamed (Cawil) (Xubin)
5. X/LE Ciise Axmed Cali (Xubin)
6. Cabdi Jaamac Cabdulle (Xubin)
7. C/risaq Khaliif Aaden (Xubin).
Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maalmo ka hor warbaahinta dowladda ka baafiyay nin lagu magacaabo Cabdikariin Cabdisalaan Aadan, kaas oo warar aan la xaqiijin sheegayaan in lagu eedeynayo dilka Sheekh Cali Dheere.
Cabdikariin Cabdisalaan Aadan ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.