Xukuumadda Puntland ayaa $90, 000 doollar bil walba u qoondaysay Urur siyaasadeedyada Puntland.
Ku simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in dowladdu ay $ 90, 000 doollar ay u qonddeyeen arurrada siyaasadeedyada Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka oo arrintan kaga dhawaaqay, xilli uu magaalada Qardho ka daah-furayey is diiwaan gellinta dadweynaha doorashada golayaasha degaanka oo lagu geli doono hannaanka dimuqraaddiyadda ee nidaamka axsaabta badan.
Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa sheegay in sagaalka urur siyaasadeed midkiiba la siin doono bishii $10, 000 doollar, si ay u dardar geliyaan shaqooyinkooda, si hannaanka talada shacabka loogu gacan gelinayo uu u noqdo mid guulaysta.
PUNTLAND POST