Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Gen. Cali Ismaaciil Maxamed

Marxuum, Gen. Cali Ismaaciil Maxamed

Madaxweymaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Gen. Cali Ismaaciil Maxamed oo ku geeriyoodey Turkiga.

Bayaan tacsi ah oo uu soo saaray madaxweyne Deni ayuu ku yiri “Waxaan ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaanba shacabka Puntland, eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay uga tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Gen. Cali Ismaaciil Maxamed oo ku geeriyoodey Turkiga”.

“Gen. Cali Ismaaciil Maxamed waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa usoo shaqeeyey muddo dheer xilligii dowladdii Kacaanka, burburkii kadib waxa uu door muhiim ah ka qaatay dhismaha dowladnimada Puntland” ayuu ku sii yiri bayaanka.

Madaxweynaha Puntland ayaa Marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay.

Gen. Cali Ismaaciil Maxamed oo ka mid ahaa saraakiishii sar sare ee ciidanka Xoogga Dalka, ayaa burburkii kadib ka mid ahaa wax-garadkii iyo haldoorkii dhidibada u taagay Puntland 1998.

Marxuumku wuxuu ka shaqeyn jiray horumarka dalka gaar ahaan kan degmada Boosaaso, isagoo ahaa samafale ka shaqeeya mu’asasooyinka khayriga.

Sidoo kale Cali Ismaaciil Maxamed wuxuu ahaa qoraa, qoray buugaag uu kamid yahay ‘dareen maqan iyo damac shisheeye‘.

PUNTLAND POST