Madaxa guddiga doorashada Ethiopia ayaa sheegtay in aysan macquul ahayn in la qabto doorashada baarlamaanka ee qorshuhu ahaa in ay dhacdo 5-ta June, iyadoo aan la sheegin waqtiga cusub ee doorashada la qaban doono.
Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed ayaa kolkii uu talada qabtay saddex sano ka hor waxa uu ballan qaaday in uu dalka ka saarayo hannaankii xukun ku dheganaanta ahaa, islamarkaana uu qaban doono doorashadii ugu dimoqraadiyadda badnayd ee abid soo marta dalkaasi.
Doorashooyinka ayaa markii hore qorsheysnaa bishii August ee sanadkii hore, waxaana dib loogu dhigay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee coronavirus, iyadoo dhibaatooyin ay soo kordheen tan iyo waqtigaas oo ay ka mid tahay dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray.
Waxa ay ku sababeysay dib u dhac xagga saadka ah, sida dhameystirka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, tababaridda shaqaalaha doorashooyinka, daabacaadda iyo qeybinta waraaqaha codbixinta.
PUNTLAND POST