
Taliyaha howlgalka Mareykanka ee AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaarka Jubaland.
Jeneraal Stephen Townsend ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana kulanka looga hadlay sidii Mareykanka iyo Jubaland isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Al-shabaab.
“Kulanka waxaa lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka argagixisada iyo sidii Mareykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo argagixisada” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay madaxtooyada Jubaland oo looga hadlay kulanka Jeneraal Stephen Townsend iyo madaxweynaha Jubaland.
Waa markii labaad oo bishan gudaheeda uu madaxweynaha Jubaland, Kismaayo kula kulmo saraakiil Mareykan ah, 4tii bishan May ayay ahayd markii uu la kulmay saraakiisha ciidamada Mareykanka ee ka howlgala degaannada Jubaland.
Al-shabaab ayaa gacanta ku haysa degaanno badan oo ka tirsan Jubaland oo ay ka mid tahay magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubada Dhexe, oo caasimad ugu magacaaban Jubaland.




PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.