
Munaasabad ka dhacday Caasimadda dalka Jabuuti ayaa Maanta markii Shanaad xilka Madaxweynaha dalka Jabuuti loogu dhaariyay Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo ku guuleystay doorrasho ka dhacday dalkaas 9kii Bishii Apriil ee sanadkan 2021.
Munaasabadda dhaarinta & Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa ka qeyb galay Madax badan oo Afrikan ah, sida hoggamiyeyaasha dalalka Kenya, Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhaarinta kadib Goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay Madaxda ka socota dalalka Afrika ee munaasadda ka qyeb galay, isaga oo balan qaaday in Shacabka Jabuuti uu si cadaalad ah ugu Shaqeyn doono.
Sidoo kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu sii xoojin doono xiriir kala dhaxeeyay wadamo badan oo Caalamka ah, kuwaas oo ay iska kaashadaan dhinacyada amniga iyo horumarka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.