Dowladda Faransiiska, ayaa mamnuucday bannaanbaxyada lagu taageerayo dadka Reer Falastiin ee duqaymaha iyo weerarada kala kulmaya ciidamada Israa’iil.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in uu booliiska ka dalabaday in ay mamnuucaan dibad-baxyada lagu taageerayo Falastiin, kuwaas oo la filayo in ay toddobaadkan ka dhacaan meelo ka mid ah Faransiiska.
Dibad-baxayaashan ayaa ka soo horjeeda duqaymaha ka socda dhulka Falastiiniyiinta ee go’doonsan ee Qudus iyo Daanta Galbeed.
Darmanin ayaa warbaahinta u sheegay in uu madaxa booliiska ku amray in la joojiyo dibad-baxyadaas, hase yeeshe ururada u dhaqdhaqaaqa arrimaha Flastiin ayaa sheegay in aanay dhag jalaq u siin doonin hadalka wasiirka.
PUNTLAND POST