Xildhibaan reer Kenya ah oo lagu magacaabo Moses Kuria ayaa sheegay in sannadkii hore uu qaatay lacag dhan 1,000 dollar oo laaluush ah si uu u taageero magacaabista hoggaamiyaha aqlabiyadda.
“Waa iska caadi in xildhibaanadu ay qaataan laaluushka noocaan ah,” ayuu yiri, asagoo intaas ku daray in uu soo celinayo lacagtii uu qaatay.
Mr Kuria ayaa hadalkan sheegay xilli asaga iyo labo xildhibaan oo kale loo haysto in ay soo jeediyeen eedeymo ah in lacago badan oo.laaluush ah lagu siiyay xildhibaannada Kenya taageeridda isbaddalka lagu samaynayo dastuurka dalka
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Amos Kimunya ayaa beeniyey in wax laaluush ah la siiyey baarlmaanka.
PUNTLAND POST