Madaxweynaha dowlada Puntland Mudane Saciid C/llaahi Deni ayaa gaaray caasimada dalka Kenya ee Nairibi. Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi waxa uu kulamo la qaadan-doonaa hay’ado iyo Safaarado Soomaaliya ka taageera dhanka horrumarinta iyo gargaarka bani’aadanimada, kuwaas oo uu fadhigoodu yahay magaalada Nairibi, wuxuu kaloo la kulmayaa siyaasiyiinta iyo Jaaliyada Puntland ee ku dhaqan dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa Nairobi kaddib, waxaa lagu wadaa inuu usii kici timo magaalada Muqdisho oo asbuuca soo socda la filayo inuu ka dhaco shir khuseeya arrimaha doorashooyinka dalka, shirkaas oo uu horay uu ugu baaqay Ra’iisal wasaare Roobe.
Puntlandpost.com