
Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedayn uga timid dowlad goboleedka Hirshabeelle, oo ku saabsan in ay dhaqaale ka xayirtay maamulkaas.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka, ayaa lagu sheegay in aysan jirin dhaqaale wasaaraddu xayirtay oo lagu bixin-lahaa mashruuca ka hortagga Fatahaadda degaannada Hirshabeelle.
Wasaaraddu waxay maamulka Hirshabeelle ka codsatay, in ay caddayn ka bixiyaan eedaynta ku saabsan in dowladda Federaalku ay lacag ka xayirtay mashruuca ka hortagga fatahaadda webiyada Jubba iyo Shabeelle.
Halkaan ka khriso war-saxaafadeedka oo dhan

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.