
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa saaka salaadda iidda mas’uuliyiin kale iyo boqollaal shacab kula tukaday masjidka Shuhadaa ee madaxtooyada Villa Somalia.
Ra’iisul wasaare Rooble, oo hadal kooban ka jeediyay masjidka Shuhadaa ee madaxtooyada Soomaaloiya, ayaa shacabka ugu baaqay in la waaciyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo amniga.
Inta badan dunida muslimka ayaa maanta laga iiday, marka laga reebo dalal kooban oo shalay iiday. Sidoo kale Soomaaliya maanta ayaa laga iiday, balse waxa jirtay in shalay laga iiday magaalooyin ka tirsan koonfurta dalka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.