Dacwad oogaha Maxkamadda caalamiga ah ee denbiyada, Fatou Bensouda, ayaa muujisay walaaca ay ka qabto dagaalka cusub ee ka dhax bilaawday Israa’iil iyo Falastiin.
Fatou Bensouda ayaa tilmaantay in dagaalkan ay ka dhalan karaan xad-gudubyo sababa xasuuq shacab.
Fatou Bensouda ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay dadaal ku bixiso si loo joojin lahaa daagaalkaan , waxeyna raacisay in xafiiskoodu la socodo waxa ka dhacaaya goobaha kala duwan ee Falsatiin.
Bensouda ayaa horay si rasmi ah uga codsatay maxkamadda in la furo gal baaritaan oo ku saabsan dambiyo dagaal oo la sheegay in Israa’iil ka geysatay dhulka Falastiin.
PUNTLAND POST