
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta magaalada Kambaala ee caasimadda Ugandha kula kulmay madaxweynaha waddanka Burundi, Évariste Ndayishimiye.
War kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu kulan-doceed la qaatay madaxweynaha waddanka Burundi, Évariste Ndayishimiye.
Villa Somalia waxay sheegtay in labada madaxweyne ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga dhaqaalaha iyo siyaasadda.
“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo kulan-doceed ku yeeshay caasimadda Kambaala ee dalka Uganda ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.” Ayaa lag yiri warka Villa Somalia.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.