
Dhammaan deegaannada uu maamulo ururka Al-shabaab ee koonfur iyo bartamaha Soomaaliya ayaa maanta Arbaco ah laga ciiday.
Deegaannada laga ciiday ayaa ka tirsan gobollada Jubbooyinka, Shabeellooyinka, Bay, Bakool iyo Galgaduud, waxaana sawiro ay baahisay warbaahinta taageerta Al-shabaab muujinayaan boqolaal qof oo isugu soo baxay tukashada salaada Ciidul Fidriga.
Al-shabaab ayaa xalay iclaamisay in ay Arbacada u tahay ciid, waxayna sheegeen in deegaanno ay maamulaan laga arkay bisha Shawaal.
Dalalka kale ee Afrika ku yaalla oo qaar kamid ah muslimiinta ku nool ay maanta ciiday waxaa kamid ah Mali, Niger iyo Ivory Coast.
Muslimiinta Caalamka ayaa berri oo Khamiis ah ciidaya, maadaama aan shalay inta badan la arag bisha Shawaal.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.