Axmed Karaash: Hay’adaha amniga shaqadooda waa in ay labo laabaan

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa munaasabadda Ciida ugu hambalyeeyay Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland.

Axmed Karaash ayaa faray hay’adaha ammiga Puntland in ay labo laabaan shaqadooda sugidda ammiga maalmaha lagu jiro mumaasabadda Ciiidul Fidriga.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa shacabka ugu baaqay in ay maalmaha Ciida ka taxadaraan caabuqa Covid-19, iyagoo kaashanaya culimadda iyo wasaaradda caafimaadka.

PUNTLAND POST