Ugu yaraan 20 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay, in ka badan 800 oo kalena waa ku dhaawacmeen weeraradii u dambeeyay ee ciidamada Israa’iil ka fuliyeen gudaha dhulka Falastiin, gaar ahaanna masjidka Al-Aqsaa.
Mas’uuliyiinta Caafimaadka marinka GASA, ayaa laga soo xigtay in dhimashadu marayso 20 ruux, halka dhaawacuna gaaray 822 qof, kuwaas oo u badan haween iyo carruur da’ yar.
Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda Falastiin, ayaa ku guul-darraystay in ay qaraar midaysan ka soo saaraan, kadib markii dowladda Maraykanku ay codka qayaxan ku diiday in Israa’iil la cambaareeyo.
PUNTLAND POST