Golaha Amniga Qaramada Midoobaya, ayaa maanta oo Isniin ah kulan deg dega ka yeelanaya xaaladda ka taagan magaalada Quddus ee dhulka Falastiiniyiinta, halkaas oo Ciidamada Israa’iil tacaddiyo ka gaysanayaan.
Tan iyo bilowgii bisha barakaysan ee Ramadaan ciidamada Israa’iil ayaa weeraro kala duwan la beegsaday dadka Rayidka ah ee ku sugan magaalada Quddus, waxaana arrintaas ka dhashay khasaare naf iyo maal leh.
Tacaddiyada Israa’iil ayaa saamayn xooggan ku yeeshay masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa, kaas oo laba habeen ka hor ay ciidamada Israa’iil weerar la beegsadeen, islamarkaana dhaawacyo gaarsiiyeen in ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah.
Kulanka Golaha Amniga ee maanta ayaa si weyn isha loogu hayaa xilli ay weli sii socdaan tacaddiyada Israa’iil ku hayso muslimiinta ku nool magaalada Quddus.
PUNTLAND POST