
Hadhaagii gantaalkii lumay ee Shiinaha ayaa ugu dambeyn maanta oo Axad ah ku dhacay galbeedka Maldives ee Badweynta Hindiya, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Maareynta Cirka ee Shiinaha.
Gantaalka oo lagu magacaabo Long March-5B ayaa bishii la soo dhaafay loo diray saldhigga cusub ee Shiinah ka sameystay hawada sare, waxaana inta aan la xaqiijin dib u soo laabashadiisa laga cabsi qabay in uu ku soo dhaco goob dad ku nool yihiin.
Reer Galbeedka ayaa dabagal ku hayay gantaalka Shiinaha oo ku socday xawaare ku dhow 13.7km sekankii.
Shiinaha ayaa fashilka gantaalkiisa ka dhigay mid mudan in dunidu ka welwesho, isagooo doonaya in uu boos ka qabsado rugta caalamiga ee dayaxgacmeedyada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.